fbpx

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Muqdisho ka furtay shir looga hadlayo dhammeystirka Qorshaha Qaran ee sugnaanta caafimaadka+Sawirro

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Muqdisho ka furtay shir looga hadlayo dhammeystirka Qorshaha Qaran ee sugnaanta caafimaadka+Sawirro

ulankan Wadatashiga  ah oo socon doona muddo 5 cisho ah waxaa soo qaban qaabisay wasaradda caafimaadka Soomaaliya, waxaana looga hadlayaa dhammeystirka qorshaha Qaran ee sugnaanta caafimaadka.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeyn mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ,xubno ka socday maamul goboleedyada, dhaqaatiir, aqoonyahano iyo marti sharaf kale ayaa lagu gorfeeyay  qaabka ugu wanaagsan ee  loo dhammeystiri karo qorshaha Qaran ee sugnaanta caafimaadka dalka oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

ku simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Soomaaliya Maxamuud Buulle Maxamed oo shirka furay ayaa Sheegay in ay muhiim tahay in ka qeyb galayaashu ay si  wadajira uga shaqeeyaan sidii barnaamijkan uu u guuleysan lahaa maadaama caafimaadku uu ka mid yahay waxyaabaha aasaasiga u ah Aadanaha.

Ka qeyb galayaasha kulanka ayaa mudadada uu socdo waxaa ay is weydaarsan doonaa fikrado iyo tusaalooyin ku saabsan dhammeystirka qorshaha Qaran ee sugnaanta caafimaadka, iyadoo gabagabada kulankana la filayo inay kasoo baxaan qodobo muhiim ah oo horseedi kara in la helo qorshe caafimaad oo dhammeystiran.

9

leave a reply