MADAXWEYNE FARMAAJO OO NAYROOBI KULAN KULA YEESHAY GANACSATADA SOOMAALIYEED EE KENYA

  1. MADAXWEYNE FARMAAJO OO NAYROOBI KULAN KULA YEESHAY GANACSATADA SOOMAALIYEED EE KENYA

Nayroobi, Nofeembar 13, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo magaalada Nayroobi kula kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa ku bogaadiyay dareenka waddaniyeed ee ay u qabaan dalkooda iyo doorka wanaagsan ee ay ka qaataan xal u helista duruufaha ku xeeran.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, fursaha jira, caqabadaha ku gadaaman dowlad-dhisidda iyo dadaallada uu hoggaaminayo ee ku saleysan taabbo gelinta hannaan dowladeed oo maamuus leh, ayna ku faani karaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada in ay kaalin mug leh ka qaataan gurmadka loo sameynayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha dalka ka jira. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ku boorriyay ganacsatada in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska Safaaraddeena Nayroobi si ay u yeelato muuqaal ka tarjumaya hiigsigeenna qaran, hanka iyo kartida ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed.

“Dhismaha Safaaraddan idiinka iska leh. Waxaa loo baahan yahay in aad dib u dayactirtaan oo kaalin weyn aad ka qaadataan, si dadka shisheeye aynu ugu muujinno wajiga dhabta ah ee Soomaaliya iyo hawlkarnimada dadkeenna.”

Munaasabadan oo lagu qabtay deegaanka Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya waxaa ku wehliyay Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, Danjire Maxamuud Axmed Tarsan, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Fuursade, La-taliyeyaal iyo diblomaasiyiinta ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Nayroobi.

leave a reply