Tababaraha cusub ee kooxda Tottenham Mourinho oo baadigoobaya cayaaryahan Ibrahimovic

Muqdisho, 22 November, 2019 (Alhurriyah Sports): Tabaraha Kooxda Tottenhum Jose Mourinho  ayaa sheegay inuu baadigoobayo cayaaryahanka lagu magaabo Lure Zlatan Ibrahimovic, kaasoo kasii tagaayo Kooxda LA Galaxy.

Jose Mourinho iyo Zlatan Ibrahimovic oo lafilaayo inay midoobaan. Mourinho iyo Ibrahimovic ayaa horey uwada joogay Inter Milaano, kahor inta uusan macalinka reer Portugal u keenin xiddigga reer Sweden Manchester United sanadkii 2016.

Haatan, Tababaraha cusub ee Tottenham Mourinho ayaa lagu soo waramayaa inuu isha ku hayo 38 jirka weerarka ka ciyaara.

Tababaraha Tottenham Jose Mourinho ayaa diyaar u ah in Zlatan Ibrahimovic, uu u usoo kaxeeya dhanka Tottenham sida laga soo xigtay Telegraph.

Zlatan Ibrahimovic ayaa raadinaya koox cusub ka dib markii uu doortay inuu ka tago kooxda LA Galaxy ka dib labo xilli ciyaareed oo uu joogay Mareykanka.

38 jirkan ayaa lala xiriiriyay kooxaha AC Milan, Bologna, Napoli, Manchester United iyo kooxda reer Australia ee Perth Glory; si kastaba, Mourinho ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu dib ula midoobo Ibrahimovic kuna soo biiriyo kooxda Tottenham.

 

leave a reply