Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa maanta baabi’isay xilkii Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda.

Muqdisho – 26th November 2019 (Al-Hurriyah News): Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa maanta baabi’isay xilkii Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda. Xoghayihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan Azhari ayaa maanta xilka kuwareejiyay wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta. Tani ayaa daba joogto amar kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha taasoo lagu baabi’iyay Xilka Xoghayaha Joogtada ee Wasaaaradaha Federaalka.


Xilwareejintaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaardda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta iyo Agaasinayaasha Waaxaha.
Waa wasaaradi ugu dambeysay ee baabi’isay xilkaan marka laga reebo wasaaradda Qorsheynta oo weli xilkaasi kasii shaqeeyo.

leave a reply