fbpx

Axmed Madoobe Oo Sheegay In A-lshabab Ay Ku Biireen Ciidamo Ka Tirsan Jubbaland

Madaxweynaha dowlad gobaleedka jubbaland Axmed Maxmed Islaam Axmed Madoobe ayaa dowlada fadaraalka ku dhaliilay qaabka ay u wajeheyso siyaasada dalka .

Axmed madoobe ayaa dowlada ku eedyay in amnidaro ay ka abuurtay degaano ka tirsan maamulka jubbaland

Madaxweynaha ayaa xusay in gobalka gedo dowladu ay ka abuurtay xaalado siyaadadeed iyo kuwo amni sida hadalka uu u dhigay

Waxa uu xusay in waxa dadka kala hagi karo uu yahay  sharciga iyo dastuurka dalka, isagoo hadalkiisa intaasi raaciyay hadii taasi lawaayo nin waliba dhibaatadu inta ay u jirto in uu gaarayo

“Dowladda ayaa waxa ay dhibaato ka wadaa gobalka gedo, anagu intabadan waxaanu uga war wareeganeynay waa in wax la xaliyo , ciidankii shabaabka la dagaalamayay ee maamulka uu lahaa in badan oo kamida waxay  gacanta u galeen shabaab oo maalin waliba soo sawiraya ayuu yiri Axmed madiibe .

Madaxda dowlada ayuu ugu baaqay in ay ka fikiraan dalkan waxa uu soo maray iyo halka uu u socdo    iyo waxa lagu sii socon karo

Waxa uu sheegay in arintan hadii ay sii socoto laga dhaxli karo burbur amni iyo mid dhaqaale.

leave a reply