Wararka naga soo gaaraya gobalka mudug ayaa sheegay in maanatay lagu wado in la kala qaado maleeshiyaad dhawaan halkaasi ku dagaalamay
Xogta alhurriyah news ay ka heleyso degaanada ,Towfiiq iyo Afbarwaaqo ayaa sheegay in halkaasi ay ka socodaan wada hadaladii ugu dambeeyay ee lagu kala qaadayo Maleeshiyaad ka soo kala jeeda beelo halkaasi wada dega oo dagaal uu ku dhaxmaray
Masuuliyiinta ciidmada 21 ee xoogga dalka ayaa garwadeen ka ah xalinta xurgufta u dhexeya meleeshiyaadkii degaanadaasi ku dagaalamay
Taliyaha ciidmada lugta iyo sidoo kale masuuliyiinta ciidamada xoogga ee halkaasi ku sugan ayaa waxa ay kulankii ugu dambeeyay ee lagu kala qaadi lahaa labada ciidan la leeyihiin odayaasha labada dhinac ,islamarkaana waxaa la filayaa in maantay ciidamadaasi la kala qaadi doono ,
Taliyaha Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen: Cabdixamiid oo ay wehliyaaan saraakiisha Taliska 21-aad ayaa Ku sugan deegaanadaasi iyagoo kor joogteynaya Heerka dib u heshiisiinta iyo howsha ciidanka qalabka sida.