fbpx

Dhismaha Xarun Dowladeed Oo Al-shabaab Qarax Ku Burburiyeen Oo Dib Xariga Looga Jaray

 

Gudoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho cumar maxmuud maxamed ayaa xariga ka jaray xarunta degmada hodan oo dib u dayactir lagu sameeyay kadib , markii burbur uu ka soo garay qarax kal hore lagu weearary.

Xarunta degmada ayaa waxaa mudooyinkii dambe ka socday hagaajin iyo dayactir lagu sameyanayay dhismaha xaruntaasi oo 10 September 2018 gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weeraray

Cumar finish gudoomiyaha gobalka iyo masuuliyiinta degmada ayaa si wadajira xariga uga jaray xurunta degmada oo si wanagasan loo dayactiray

Munaasbada xariga looga jarayay dhismaha degmada hodan ayaa waxaa hadal ka jeediayay gudoomiyaha gobalka maamulka degnada hodan iyo masuuliyiin kale oo ka soo qeyb galay munaasbadaasi.

Masuuliyiintii halkaasi ka hadashay oo uu ugu horeeyey gudoomiye cumar finish ayaa soo dhaweyay hanaanka loo dayactiray degmada waxa ayna sidoo kale ka hadleen sidii loo xoojin lahaa amniga iyo sidii looga shqeyn lahaa hormarka degamada hodan.

leave a reply