fbpx

Taliska Ciidanka Xoogga Oo War Ka Soo Saaray Qaraxii Xalay Ka Dhacay Gaalkacyo

Taliska Qaybta 21-aad ee ciidanka XDS ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay weerarkii  xalay ka dhacay Gaalkacyo kaasoo ay ku dhinteen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Qoraalka ayaa lagu yiri  “Waxaan halkaan uga tacsiyaynaynaa dhammaanba ciidamada iyo Shacabka aan waxba galabsan ee cadawga nabaddiidka ah ku weerarey Magaalada Gaalkacyo.”.

“Waa tusaale caddeynaya sida cadawgu u beegsanayo nolosha shacabka Soomaaliyeed, una diiddan yahay xasilloonida dalka iyo nolosha maatida aan waxba galabsan.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska Qeybta 21-aad ee ciidanka XDS ayaa u tacsiyeeyay ehelada dadkii wax ku noqday qaraxaasi waxaana lagu boorriyay bulshada Soomaaliyeed iney meel uga soo wada jeestaan cadowga argagixisada ah ee aan u turuneynin dadka Soomaaliyeed ee ka soo daalay dhibaatooyin ka dhashay dagaallo ay muddo dheer ku soo jireen.Sida lagu yiri warka ka soo baxay talisaka

qarxii xalay ka dhacay hotel ku yaala magaalada gaalkacyo  ayaa sababay khasaare is kugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur soo gaaray dhismaha hotelka qaraxa uu ka dhacay .

leave a reply