fbpx

Heshiis Cusub oo Dhax Maray Maamulada Hirshabeelle Iyo Koonfurgalbeed

 

Magaalada beydhabo ee xarunta gobalka baay waxaa kulan ku yeeshay golaha wasiirada maamul gobaleedyada koonfur galbeed iyo Hir-shabeelle waxaana kulankaasi shir gudoominayay  labada hogaamiye, ee maamuladaasi  Lafra -gareen iyo Waare

Kulanka ayaa intii uu socday waxa ay labada dhinac ka wada hadleen sidii iskaashi wanaagasan uu u dhaxmari lahaa dhinacba dhinaca kale .

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed Ugaas Xasan oo kulanka kadib, warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen sidii la iskugu furi lahaa waddooyinka isku xira degaanada labada maamul ee koonfur galbeed iyo hir-shabeelle.

Sidookale kulanka inta uu socday ayaa waxaa la isku soo hadal qaaday sidii la iskaga kaashan lahaa sugida amniga deedgaanada xuduudaha ay ka wadaagaan Hir-shabeelle iyo k/galbeed .

Wasiiraka ayaa sheegay in dhamaan qodobadii kulankaasi looga hadalay dhamaantood la isla gartay in la fududeeyo si wada shaqeyn dhab ah ay u dhax marto labada maamul.

Maamulada hir-shabeelle iyo koonfur galbeed ayaa lagu xantaa in ay yihiin maamulo xiriir dhaw la leh madaxada ugu sareysa dalka

leave a reply