fbpx

AL-Shabaab Oo Toogasho Ka Fuliyay Shabeellada Hoose

Xarakada Al-Shabaab ayaa sacadihii la soo dhaafay xukun dil ah ku fulaliyay afar qof oo ay shegeen in ay ka tirsanaayeen dowladda fadaraalka ee somaaliya

Maxakamad hoostagta Al-shabaab ayaa sheegatay in raggani ay qirteen dambiyadii lagau soo eedeyay,islamarkaana maxkamadu ay ku xukuntay dil toogasho ah

Xubno ka tirsan Al-shabaab iyo shacabka ku dhaqan degaanka ay toogashadu ka dhacaday oo lagu magacaabo sablaale ayaa ka soo qeygalay daawashada raggan afarta ah ee Al-shabaab xukunka dilka ah ay ku fuliyeen .

Afarta qof ee la toogtay ayaa ka lahaa:

1: Ayuub Xassan Buraale oo ay sheegeen inuu ka tirsanaa maamulka degaanka Kuntuwaarey, uguna magacaawnaa dhirta iyo daaqa.

2: Xasan Cismaan Cali (Abayle) oo ay Al-Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda ee ka howlgala Baraawe aadna looga yaqaanay degmadaas.

3: Xasan Faarax Maxamad (Gambiye) ayey sidoo kale Al-Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda, islamarkaana ay qabteen,isaga oo ku wajahnaa degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

4: Xuseen Xassan Geelle oo ah ninka afaraad ayaa Al-Shabaab ay sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, islamarkaana laga soo qabtay deegaanka Dacaaraha oo u dhow degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dil ka fulisa deegaanada ay ka arrimiso ee koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

leave a reply