fbpx

Qaar Kamida Musharixiinta Madaxweynah Galmudug Oo Qaadacay Doorashada

 

Warmurtiyeed ay soo saareen saqdii dhexe ee xalay ayeey ku qaadeceen doorashada la filayo in ay ka dhacdo degaanada maamulka galmudug .

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Cabdullaahi Faarax Weheliye, Kamaal Daahir Guutaale iyo Cabdi Dheere oo dhammaantood u sharraxan xilka madaxweynaha Galmudug, ayaa si wadajir ah saqdii dhexe ee xalay uga shaaciyay go’aankaasi magaalada Dhuusamareeb.

Musharixiintan ayaa waxa ay shegeen in doorashada ay u af-duuban tahay dowladda federaalka ee somaaliya , islamarkaana ay dooneyso in hanaanka ay iyadu rabto in ay u maamusho dorashada Madaxweynaha ee Maamulka Galmudug.

Musharixiinta ayaa dhinaca kale ku eedeyay Guddoomiyaha baarlamanka galmudug in uu kala qeybiyay gudiga doorashada Madaxweynaha maamulkaasi iyaga oo xusay in hal dhinac uu la saftay islamarkaasina aan lagu kasoonaan karin qaabka ay u dhici doonto doorashada Madaxweynaha galmudug

Hoos ka aqriso war murtiyeedka ka soo baxay musharrixiintaasi

leave a reply