fbpx

Gudoomiye Ku Xigeenka Amniga Kaxda Oo Qarax Lagu Dhaawacay

 

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmada Kaxda Cabdinaasir Xasan Cali ayaa la sheegay in dhaawac uu ka soo gaaray qarax haleelay gaarigiisa isaga oo ku sii jeeda xarunta degmada kaxada

Qaraxan oo ahaa mid jugtiisa inta abdan laga maqlay degmooyinka qaar ee magaalada muqdisho ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyootay labo askari oo kamid ahaa ilaalada gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada degmada kaxada, ee gaarigiisa qaraxa lala eegatay

Ciidmada amaanka dowladda federaalka somaaliya oo goobta gaaray marka qaraxa uu dhacay kadib ayaa waxa ay halkaasi ka sameyeen baaritaano kooban iyaga oo markii dambe halkaasi ka qaaday dhaawaca gudoomiye ku xigeenka

Qaraxan lala beegasaday gudoomiye ku xigeenka amniga degmada kaxada ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso wallow aan ilaa iyo iminka ayasan ka hadlin dowladda somaaliya .

leave a reply