fbpx

Dowladda Somaaliya Oo Soo Saartay Waaran Caalami Ah Oo Lgu Soo Xirayo Wasiir Janan

 

Dowladda federaalka soomaaliya ayaa dalbatay waaran caalimi ah oo dowladda loogu soo gacan galinayo wasiirkii amniga dowladd gobaleedka jubbaland C/rishiid janan oo goor sii horeysay dowladu ay sheegatay in uu ka baxsaday xabsi uu ku xirnaa

Qoraal ay soo saareen booliska somaaliya ayaa lagu dalbaday waaran caalami ah so booliska caalamiga ah ee Interpol si wasiirka muqdisho loogu maxkamadeeyo

Hadal heyn badan ayaa ka dhalatay baxsashada wasiir janan waxayna dowladda somaaliya ay sheegatay in ay ku da,daaleyso sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa wasiirka amniga jubbaland Cabdirishiid Janan.

leave a reply