fbpx

Wasiir Beyle Iyo safiirka Ruushaka Oo Kulan Ku Yeeshay Jabuuti

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay Safiirka Dowladda Ruushka u qaabilsan Soomaaliya H.E. Mikhail Golovanov oo ay ka wada hadleen arrimaha deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxaa maanta la kulmay Safiirka Dowladda Ruushka ee Soomaaliya H.E. Mikhail Golovanov oo aan ka wada hadalnay arrimaha deyn cafinta Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Qorshaha deyn cafinta Soomaaliya ayaa hadda meel wanaagsan mareysa,waxayna Xukuumadda martay wado kasta oo sahli karta cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

“Ruushka waa dalka 2-aad ee deyn cafinta ugu badan nagu leh, wada hadalkeenu wuxuu ku saleysnaa sidii ay deymahaas nooga cafin lahaayeen,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Beyle.

dowladda federaalka somaaliya ayaa horay u sheegtay in da,daal dheer ay ugu jirto sidii somaaliya looga cafin lahaa guud ahaan deymaha looga leeyahay caalamka.

leave a reply