fbpx

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamanka Kenya Oo Wasiir Janan Eedeyn Kulul U Jeediayay

Mid kamida xildhibaanada laga soo doortay bariga magaalada mandheera, ee dalka Kenya oo lagu magacaabo ,cumar maxamed macalin ayaa sheegay in casi xoogan ay soo foodsaartay dadka ku dhaqan mandheera , kadib markii ciidamo ka amar qaata wasiir janan ay fariisimo ka sameyteen magaaladaasi

Xildhibaan cumar oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dadka ku dhaqan mandheera, in haatan walaac xooggan ay ka qaban in halkaasi dagaal uu ka dhoco

Xildhibaanka ayaa dowladda Kenya ku eedeyay in ay fariisimo siisay ciidanka wasiir janan ,ilamarkaasina arintaasi ay halisku tahay dadka rayidka ah eek u dhaqan magaaladaasi

‘Waxaa cajiib ah in dowladda dhan ay ogolaato in ciidan aan kuweeda aheyn in ay iska soo galaan dalkeeda iyaga oo aan sharciyad ku joogin ,marwaliba waxaa la filan karaa in dagaal uu dhaco taasina waxa ay halis ku tahay xasiloonida ayuu yiri xildhibaan cumar maxmed macalin oo kamida xildhibaanada laga soo doortay gobalka wuqooyi bari ee dalka Kenya”

Dadka ku dhaqan magaalada madheera ayaa la sheegay in qaarkood ay iskga barakeceen halkaasi iyga oo ka cabsi qaba in dagaal halkaasi uu ka dhaco .

leave a reply