fbpx

Africom Oo Sheegtay In Xubno Ka Tirsan Al-shabaab Ay ku Dishay Duqeyn Ka Dhacaday Jilib

 

War saxaafadeed kasoo baxay hawl-galka Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerar dhanka Cirka ah oo ay ka geysteen Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Weerarkan oo iska kaashadeen AFRICOM iyo Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya ayaa lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen horjoogayaan ka mid ahaa xarkada al-shabaab sida lagu sheegay warka ka soo baxay Africom

Warka qoraalka ayaa lagu sheegay in la qaarajiyay mid kamid sarkiisha Al-Shabaab kaa oo sida ay shegeen xiriir la lahaa uruka Al-qaacidda.

Ku-xigeenka hawl-gallada Africom, Miguel castellanos ayaa sheegay in Al-Shabaab ay qeyb ka yihiin kooxaha Argagixisada ee Dunida ka jira.

Wuxuuna ballan qaaday in ay sare u qaadi doonaan weerarrada ay ku cirib tirayaan Al-shabaab  kuna beegsanayaan  goobaha ay kaga dhumaaleeysanayaan Goballada Dalka.sida hadalka uu u dhigay .

leave a reply