fbpx

Xuska Sanad Guuradii 50 Ee Aas Aaska Ciidanka Asluubta Oo Muqdisha Ka Socta

 

Ciidanka Asluubta soomaaliya ayaa Maanta xusaya sanad guuradii 50-aad ee ku beegan aas-aaskooda.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed waxa uu ka mid yahay Ciidamada Dalka, waxa uuna si gooni ah ugu xilsaaran yahay Ilaalinta Maxaabiixsta iyo Xabsiyada Dalka, waxaana la aas-aasay 22-kii Febraayo sanadkii 1970-kii, iyadoo tan iyo xilligaasi uu si hufan u gutay waajibaadkiisa marka laga reebo dhowr iyo 20-kii sano ee uu dalku bur-bursanaa.

Xarunta Ciidamada Asluubta Waxaa ka socda hadda qabanqaabada munaasabadda lagu xusayo sanad-guurada ka soo wareegtay aas-aaska Ciidankaasi, waxaana lagu wadaa inay ka qeybgalaan Mas’uuliyiinta dowlada qaarkood, si ay khudbad uga jeediyaa.

Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay waxaana xiran qaarkamida wadooyinka halbowlaha u ah caasimada waxaana lagu arkayaa wadooyin qaar kamdia ciidanka dowlada kuwaasi oo gadiidka dadweynaha u diidaya in ay isticmaalaan wadooyinka

Dadka ku dhaqan magaalada ayaa cabasho ka ah xirnaashiyaha wadooyinka iyaga oo sheegay in caqabad ay ku noqoatay isku socdkii magaalada xanibaada la saaray wadooyinka

leave a reply