fbpx

Ciidanka Amniga Boosaaso Oo Soo Saaray Miino lagu Aasay Mid Kamida Wadooyinka magaaladaasi

 

Laamaha amaanka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa soo saaray Miino Lagu  aasay Xaafadda Jidka Soddanka ee Magaaladaasi,

Warka ayaa intaasi ku daray in arrintaasi ay suurtogashay kadib markii ay soo sheegeen Dadka dagan Xaafadaasi, waxaana halkaasi gaaray ciidanka amaanaka kuwaasi oo ku guuleystay in miinada ay soo saaraan

Ciidanka ayaa sheegay in miinada iyada oo aan wax Khasaaro ah geysan ay ku guuleysteen in ay furfuraan si nabad ahana meesha lagu aasay ay uga soo saaraan .

Ciidamada Booliiska oo kaashanaya laamaha Sirdoonka ayaa baaris baahsan ka bilaabay Xaafadaasi, si gacanta loogu soo dhigo cida ka dambeysay in miinada halkaasi lagu aaso .

Degaanada maamulka puntiland waxaa ka dagaalama kooxda daacish waxaana warar hoose oo aanu heleyno ay sheegayaa in miinadan looga shakisan yahay in ay meesha galiyeen xubno ka tirsan kooxdaasi .

Dadka ku dhaqan agagaarka goobta miinada laga soo saaraya ayaa waxaa soo food saartay baqdin ku aadan in markale halkaasi miinooyin lagu aaso

Ciidanka amaanka magaalada boosaaso ayaa sheegay in si aad ah ay u xqiijin doonaan amniga magaalada si looga hortago falal lidi ku ah amniga in magaaladaasi ay ka dhacaan .

leave a reply