fbpx

Axmed Madoobe “Dowladda ayaa ii soo bandhigtay yabooh lacageed”.

 

 

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo khudbad ka jeedinayey furitaanka kalfadhiga labaad ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa weeraray dowladda federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in madaxda dowladdu ay meesha ka saareen hanaanka sharciga ahaa ee lagu soo dhisay dowladnimada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay lacag u ballan qaaday si uu uga tanaasulo xilkiisa.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda u soo adeegsatay shaqsiyaad isaga ugu goodiyey in ay dili doonan hadii uusan ogolaan dalabka lacageed.

Isagoo daaha ka rogay jawaabta uu ka bixiyey lacagta, madaxweynaha ayaa tibaaxay in uu miiska saarey wadahadal iyo in lagu qeybsado awooda sidda uu xeerinayo dastuurka qabyadda ah ee dalka.

Madaxweyne Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ugu baaqay dalalka Turkiga iyo Qadar inay joojiyaan dhaqaalaha iyo tababarada ay siiyaan ciidamada Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlaayay arrimaha la xiriira doorashooyinka dalka ee 2020-2021 waxa uu sheegay in aysan ka dhici karin dalka doorasho qof iyo cod ahAxmed .

Maamulka Jubbaland ayaa khilaaf xoog leh waxa uu kala dhexeeya dowlada Federalka Soomaaliya iyadoo khilaafkaasina sababay in ay ku dagaalamaan ciidamadooda xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya.

leave a reply