fbpx

Xidhibaan Fiqi Oo Kadigay Dhibaato Ka Dhalankarta Qorshaha Ilaalada Looga Qadayo Madaxdii Hore

 

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamida xildhibaanada mucaaradka ku ah dowladda somaaliya ee ku jira baarlamanka ayaa ka hadlay warqad ka soo baxaday Taliska Ciidanka Xoogga Dalka taasi oo lagu Amaryo in ilaalada looga qaado madaxdii hora

Waxa uu sheegay xildhibaanka in arintaasi ay ka dhalan karto isku dhac ,islamarkaasina ay ku fashilmi karto dowladda somaaliya

Waxa uu sheegay in warqadan ka soo baxaday taliska ciidanka xoogga ee uu ku saxiixan yahay taliyaha isaga uusan saxiixin islamarkaasina lagu qasabay sida uu hadalka u dhigay xildhibaanka.

Halkaan hoose ka aqriso qoraalka xildhibaan FIQI:

Waxaan aqriyay warqad ciidan oo baraha bulshada isla markii la soo saarayba lagu faafiyey taasoo u muuqata mid propagando iyo daandaansi looga gol leeyahay!

Taliyaha warqadda ku saxiixan waa nin la qasbayo, umana malaynayo in lagala tashaday ama uu wax talo ah ku lahaa ciidamada shaqada leexsan loogu diray Galmudug iyo Gedo, ama uu talo ku leeyahay ciidamada la hayb soocayo ee madaxtooyada laga bedelay ama ciidanka labada kun ka badan ee shaqada iyo ujeedooyinka leexsan uu Md. Farmaajo ka leeyahay ee uu ku magacaabay ilaaladadiisa!

Haddii warqaddan ujeedka laga leeyahay ay tahay in madaxweynayaashii hore ilaalada Boqolka ka yar laga qaado, ayadoo Md. Farmaajo rabo inuu isku ilaaliyo 2 kun, loona loogo kooxaha argagixisada ama unugyada qarsoon ee shirqoolada In ay weeraraan madaxdii hore taasi waa qorshe fashilan ee yaan la isku daalin, hana la ogaado In ay albaabada u furayso in ciidamo gaar ah oo ilaalo ah la samaysan doono, kuwaasna aysan jidgooyo u dhigan karin ciidamada beelaysan ee Eritrea soo tababartay!

Haddii taliyuhu uu awood leeyahay oo ciidanka XDS u taliyo oo shaqo qaran ciidamo qabta u baahan yahay ha soo celiyo kuwa Gedo shaqaaqada ka wada, ama Galmudug baagamuudada ku ah ama kuwa Farmaajo isku hubaynayo ee labada kun ka badan wixii intaas ka soo hara waa beegsi gaar ah oo aan loo dulqaadan doonin.

leave a reply