fbpx

RW: kheyre Oo Sheegay In Xukuumada Lacag Ay U Qoondeysay La Tacaalida COVID- 19

Ra’iisul Wasaaaraha xukuumada somaaliya mudane xasan cali kheyre ayaa sheegay in dowladda somaaliyeed lacag dhan 5Milyan oo Doollar ay ugu tala gashay la tacaalida caabuqa COVID- 19, oo dalka laga helay kiis kii ugu horeeyay .

Dhinaca kale RW Kheyre ayaa amar ku bixiyay in la xiro dhamaan goobaha waxbarashada sida iskuulada,jaamacadaha, laga bilaabo maantay waxa ayna xirnaan doonaan mudo dhan ilaa iyo 15 maalin si looga taxadaro in curuka uu ku sii fido dalka oo dhan .

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muwaadiniinta faray in la joojiyo kulamada waaweyn, iyo isku soo baxyada fagaarayaasha.

Dowladda federaalka somaaliya ayaa ku howlan sidii da,daal dheeraad ah loogu bixin lahaa in laga hortago faafitaanka cudurka COVID- 19 iyada oo dowladdu u diyaarisay goobo uu kamid yahay isbitaalka martini si loogu karantiilo, dadka cudurkan uu soorito.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan ayaa dhamaan bulshada soomaaliyeed iyo ganacsatada ka dalbaday in loo midoobo ka hortaga caabuqa COVID- 19 in dalka uu ku faafo

leave a reply