fbpx

Dowladda Somaaliya Oo Shegtay In Ay Gacanta Ku Dhigtay Madaxii Amniyaadka Shabeelaha Hoose

 

Ciidanka xoogga dalka ee dhawaan la wareegay degaanka janaale ee gobalka shabeelaha hoose ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen sarkaal sare oo ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab

kadib howlgalo amniga lagu xaqiijinayo oo ay Ciidanka Xoogga dalka ka sameeyeen deegaanka Janaale iyo nawaaxigiisa ayay ku soo qabteen madixii amniyaadka ee qaabilsanaa gobolka shabeelaha hoose xarkada al-shabaab iyo xubno la socday sida hadalka ay u dhigeen saraakiisha ciidanka xoogga.

Magaca ninkan ay gacanta ku soo dhigeen ciidanka amaanka dowlada FDS ayaa waxa ay ku shegeen Xasan Ganeey .

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogg Dalka S/guut Cabdixamiid Maxamed oo ku sugan deegaanka Janaale oo la hadlay  warbaahinta dowladda ayaa sheegay horjoogahaani ciidanka in ay ka soo qabteen Janaale, isagoo dhuumaaleeysanaya kadib howlgalo ciidanka ay ka wadaan Janaale iyo nawaaxigiisa.

Taliyaha ayaa tilmaamay in haatan ay korortay wada shaqeeynta ciidanka iyo dadka deegaanka, taasi oo suuragaliyay in Al-shabaab laga helo xog badan sida hadalka uu u dhigay taliyaha .

leave a reply