fbpx

Wararkii Ugu Dambeeyay Ciidanka Dowladda Oo Howlgalo Ciidan Ka Wada Shabeelaha Hoose

 

Ciidanka Dowladda soomaaliya ee dhawaan gacan ku heynta degaanka janaale la wareegaya ayaa waxa ay halkaasi ka wadaan howlgalo sidaba   jog ah kuwaasi oo ay shegeen in lagu xaqiijinayo amaanka degaanka ay     la wareegeen .

Howlgalka ayaa waxaa hogaaminya taliyaha ciidanka dhulka cabdi xamiid maxamed dirir ,waxaana ciidamadu ay howlgalka si weyn uga wadaan degaanka janaale iyo degaano kale oo hoos yimaada .

Howlgalkan ka socada degaanka janaale ayaa galay maalinkii labaad waxaana dadka degaanku ay shegeen in ciidamada iyaga oo aad u hubeysan ay howlgalka si weyn u wadaan .

Shalay galinkii dambe ayeey eheed markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda qarax miino lala eegatay inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxaasi hadana al-shabaab ayaa sheegatay in 7 askari ay ku dileen qaraxn.

Dadka degaanaka oo diiday in magacooda iyo codkooda loo adeegsado warbaahinta ayaa Al-hurriyah news u sheegay in Ciidamada Dowladda oo ay wehlinyaan kuwa Amisom ay si weyn gobalka shabeelada hoose uga wadaan dhaqdhqaayo ciidan .

leave a reply