fbpx

Puntiland Oo Bandow 15cisho Ah Ku Soo Rogtay Degaanadeeda

 

Madaxweynaha dowladd gobaleedka Puntiland ,Siciid Cabdullaahi Maxamed (Dani) ayaa gudoomiyay shir xasaasi ah oo looga hadlayay cudurka coronavirus oo iminka faro ba,an ku haya wadamo badan oo caalamka kamida

Shirkan ayaa intii uu socday qedobada la isla gartay waxaa kamid ahaa bandow 15-cisho  ah in lagu soo rogo degaanada maamulka puntiland si looga hortago caabuqaasi .

Bandowga ayaa dhaqan galaya 1-da bisha April oo ku beegan maalinta Arbacada ah ee soo socota, waxuuna bilaabanayaa 6:00,pm (Lexda Maqribnimo), wuxuuna ku egyahay 5:00,AM (Shanta Aroornimo).

Hey,adaha amniga ee maamulkaasi ayaa sidookale waxaa la faray in ay xoo jiyaan amniga degaanada puntiland oo haatan u muuqda mid faraha ka sii baxaya .

Maamulka puntiland ayaa horay u shaaciyay in ay xireen xuduudaha ay la leeyihiin somaaliland iyo itoobiya si loogu da,daalo xakameynta curudkan coronavirus .

Hoos ka Aqriso Warmurtiyeedka Kulankaasi Ka soo baxay.

 

 

leave a reply