fbpx

Ciidanka Xoogga Oo Fashiliyay Qaraxyo Lala Damacsanaa Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka

 

Dowladda somaaliya ayaa shaacisay in ciidanmada milatariga ee ka howlgala degaanka janaale ay ka hortageen weeraro Al-shabaab ay ku qaadeen kolonyo uu la socday taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed sareeye guudto Odowaa Yuusuf Raage.

Hadalka ka soo baxay taliska ciidanka xooga somaaliyeed ayaa lagu sheegay in qaraxyada lagu weeraray kolonyadaasi lagu soo xiray labo neef oo Lo,ah, islamarkaasina la doonayay in lagu dhibaateeyo ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale taliska ayaa sheegay in weerarkaasi ay si weyn uga hortageen ciidanka xooga dalka, islamarkaasina la fashiliyay.

Dadka degaanka qaarkood oo aanu la xiriirnay ayaa sheegay in qaraxyadaasi ayasan geysan wax khasaaro ah laakiin laga maqalay jugata qaraxyadaasi janaale .

Dhinaca kale al-shabaab oo sheegatay mas,uuliyada weeraradaasi ayaa sheegay in uu si dirqi ah weeraradaasi uga badbaaday taliyaha ciidanka xooga dalka sareeye guudto odawaa yuusuf raage oo ay sheegeen in ay la damacsanaayeen qaraxyadaasi .

Janaale ayaa ka mid ah deegaanadii dhowaan lagala wareegay Xarakada Al-Shabaab, waxaana haatan abaabul iyo dhaq dhaqaaq xoogan ka wada ka wada  taliye Odowaa.

Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan markii ugu horreysay oo ciidamada dowladda ay sheegaan in ay fashiliyaan weeraro ka imaan lahaa Al-Shabaab, waxaana howlgallo baaritaano ah ay ka wadaan qeybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

leave a reply