fbpx

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Oo Dowladda Ka Dalbaday In Ay Sii Deyso Mukhtaar Robow

 

Siyaasiga mucaaradka ah cabdiraxmaan cabdi shukuur Warsame ahna Hogaamiha xisbiga wadajir ayaa soo dhaweeyay heshiiskii laga gaaray khilaafkii ka taagnaa galmudug ee ka dhashay doorashadii ka dhacaday dhuuso-mareeb ee lagu dooratay Qoor Qoor.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa xusay in sodoo kale xog fiican uu ka hayo halka uumarayo dadaalada lagu xalinayo khilaafka ka dhaxeeya hogaamiyaha jubbaland axmed madoobe iyo mucaaradkiisa oo shir uu uga socdo dalka Kenya

Dhinaca kale siyaasiga waxa uu ku baaqay in la sii daayo mukhtaar Roobow si loo gaaro heshiis dhaxmara madaxweynaha koonfur galbeed iyo mucaaradka, si markaasi kadibana loogu diyaar garoobo gogosha wadahadalka ee Garowe taala.

Hoos Ka Akhriso Qoraal uu soo dhigey Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Bartiisa Facebook.

Waxaan bogaadinayaa daddaalka uu madaxweynaha Galmudug mudane Axmad Qoorqoor kula heshiiyey mucaardkiisa. Waxaan xog ku hayaa in heshiiska Madaxweyne Axmad Madoobe iyo mucaaradkiisa heer gebagebo ah marayo. Waxaan dawlada Federaalka ah ugu baaqayaa in ay xabsiga ka sii dayso Mukhtaar Robow si loo gaaro heshiis dhexmara madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo mucaaradkiisa ka dibna loo diyaar garoobo gogasha wadahadal ee Garowe fidsan.

Waxaan mar kale ku baaqayaa in aan dhamaanteen dadddaal wadajir ah u galno deminta dagaalada sokeeye ee duleedka Kismaayo, Degmada Wanlawayn iyo Diinsoor ka socda. Waa colaado danbiyo dagaal lagu galay, dhaawacayna dadnimadeena iyo magaca ummadnimo ee qarankeena.

Ilaahow quluubta dadkeena isku soo dhoweey, dhiiga qubanayana istaaji, dabaysha Koroonana Fayrisna itaal uma haynee naga badbaadi. Aamiin

leave a reply