fbpx

Abwaan Maxamuud Ismaaciil Xuseen (Xudaydi) oo Cudurka Covid-19 ugu geeriyooday Ingiriiska

Alle ha u naxariistee waxaa Magaalada London  ee dalka Ingiriiska ku dhintay  fannaan laxamiiste abwaan Maxamuud Ismaaciil Xuseen Xudaydi, oo loo yaqaannay Boqorkii Cuudka maadaama uu ku xeeldheera tumiddiisa.

Allah ha naxariistee Maalmihii u danbeeyey Xudaydi waxa uu ku xanuusanayey Isbitaal ku yaal London, isago oo uu haayay  feyraska  safmareenka ah ee Covid 19.

Xudaydi waxa uu dhashay, 1928-kii, waxaana uu jirey 92 sano, isagoo ku dhawaad qarnigaa ahaa tiir aan liicin oo uu leeyahay fanka Soomaalidu.

Xudaydi  Waxa uu ku dhashay magaalada Berbera, waxaana uu dhallinyaronimadiisii ku soo qaatay Magaaladda Cadan ee dalka Yeman, ka hor intii uusan soo noqon dalka.

leave a reply