fbpx

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax ka dhacay degmada kaaraan ee Gobalka Banaadir .

Qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa lala damacsanaa gaari cabdi bile ah waxaa uuna ka dhacay wadada jamuhuuriya ee degmada kaaraan .

Dad ka ag dhawaa goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa inoo sheegay in qaraxa uu dhacay wax yar un kadib markii gaariga ciidanku ay saar naayeen uu dhaafay goobta qaraxa uu ka dhacay .

Qaraxa oo geeystay khasaaro kala duwan ayaa waxa ay waxyeelo ka soo gaartay dad saarnaa moosto bajaaj mareysay goobta qaraxa uu ka dhacay meel aan sidaasi uga fogeyn.

Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo.

Ilaa iyo hadana ma jirto cid cid lagu soo qabatay howlgalka ciidanka ay ka sameeyeen goobta qaraxa uu ka dhacay .

leave a reply