Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan ku yeeshay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Drs Fawsiya Abiikar Nuur iyo Danjiraha Mareyanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo Madaxda Hay’adda Mareykanka u qaabilsan dhanka Horumarka ee loosoo gaabiyo (USAID).
Kulanka oo ahaa mid wicitaan ah, sabab la xiriirta xaaladda ka dhalatay Covid-19 (Vedio Conference) waxa ay kaga wada hadleen dadaalada Soomaaliya ee kahor tagga cudurkaan oo faafay maalmihii lasoo dhaafay.
Xubnaha Mareykanka ee Safaaradda iyo Hay’adda Horumarka u qaabilsan ayaa ballanqaaday in Soomaaliya ay gacan ka siinayaan kahor tagga faafidda cudurka Coronavirus oo maraya 436 iyo dhimashada 23-ruux.
“Wasiirka ayaa Dowladda Maraykan-ka uga mahadcelisay dalaadallada ay ka wadaan Soomaaliya ee ku aadan COVID-19, sidoo kalena kala hadashay sidii ay gacan buuxda uga geysan lahaayeen gurmadka wax looga qabanayo cudurka COVID-19” ayaa lagu yiri qoraalka lasoo dhigay bogga Wasaaradda Caafimaadka XFS.
Dowladda Maraykanka ayaa balan qaaday in ay Soomaaliya ka caawin doonaan xakamaynta iyo xal u helidda cudurka COVID-19 oo dadaalo kala duwan caalamka uga jira sidii loo ciribtiri lahaa.