fbpx

Wasaaradda caafimaadka XFS oo maanta shaacisay dad hor leh u geeriyooday Covid 19

-Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  war ka soo baxay oo nuqul kamid ah ay hehsey Wakaaladda Wararka SONNA ayaa waxaa lagu sheegay tiro hor leh oo u geeriyootay cururka Covid 19

Wasaaraddu waxaa ay shaacisay 9 ruux oo cudurka ugu geeriyootay xalay ilaa saakay isbitaalka Martiini kuwaas oo qaar ka mid ah laga keenay isbitaalada Muqdisho.

Wasiirka caafimaadka (XFS) ayaa tacsi u dirtay dhammaan qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen 9 bukaan kuwaas oo xalay ku geeriyooday isbitaal Martiini.

tirada dadka u geeriyooday cudarka Covid-19 inta la diiwaan galiay ayaa gaartay 32 ruux halka dadka uu soo ritay ay cagacageeysay 436.

leave a reply